Musharax Madaxweyne oo Shaaciyay Sababta dowlada saakay u xirtay Wadooyinka Muqdisho

Waxaa saakay xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah ee ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana saakay dadku kusoo tooseen wadooyinkan oo la xiray lana soo dhoobay ciidamo aad u badan.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sidoo kale ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sababaha saakay wadooyinka loo xiray in ay yihiin in dowlada dooneyso in la baajiyo xuska dadkii gurigiisa lagu laayay.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in Madaxweyne Farmaajo ahaa qofkii bixiyay amarkii gurigiisa lagu weeraray laguna dilay qaar kamid ah ilaaladiisa, waxa uuna xusay in Madaxweynaha hadana diidan yahay in dadkaasi la xasuusto oo xus loo dhigo.

”Waa sanadkii labaad oo shacabka Muqdisho waddooyinka laga xiro, iyadoo laga hortegayo xuska 17 December. Waxaa ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in xuska lagu qabanayo, wadda kastana waa la xiray. Madaxweyne Farmaajo isaga ayaa amray xasuuqa, islamarkaana diiddan xusuusta iyo baroordiiqda. Xusku wuu dhacayaa ee Madaxweyne shacabka waddooyinka u fur.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey sidan oo kale u joojisay xus iyo bariirdiiq magaalada Muqdisho loogu sameyn rabay askartii iyo dadkii kale ee lagu laayay labo sano kahor guriga uu Muqdisho ka degan yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -