Madaxweyne caan ah oo Wiilkiisa curadka ah u magacaabay in uu noqdo Taliye Ciidan 

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musevani ayaa wiilkiisa curudka ah u magacaabay in uu noqdo taliyaha ciidamada Khaaska ah ee dowlada Uganda , xili la filayo in dhawaan dalkaasi ka dhacdo doorasho.

Gen Muhoozi Kainerugaba, oo 45-sano jir ah ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada khaaska ah ee Dowlada Uganda, ciidamadan oo si gaar ah u tababaran ayaana u xil saaran ilaalinta Madaxweynaha iyo Qoyskiisa.

Madaxweynaha dalka Uganda ayaana isku shaan dheyn ku sameeyay talisyada ciidamada dalkaasi, waxa uuna xilal taliyaal ah u magacaabay Madaxweynaha saraakiil aad u taageersan dib u doorashadiisa.

Curadka Madaxweynaha dalka Uganda ayaa si deg deg ah ku gaaray darajada Generaal, waxa uuna wiilkan tababar dhinaca ciidamada ah kusoo qaatay wadamo ay kamid yihiin Britain, Mareykanka, Masar iyo Koonfur Afrika.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa mar kale u tartamaya xilka Madaxweynaha Uganda, waxaana la filayaa in bisha Janaayo ee soo socota in dalka Uganda ka dhacdo doorashada Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -