Axmed Madoobe oo saakay Kismaayo kasoo sagootiyay Ciyaartoyda Jubbaland (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka Xarunta Madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatay xulka kubada cagta Jubaland ee ka qaybgalaya tartanka Dowladaha xubnaha ka ah JFS ee dhawaan ka bilaabanaya Magaalada Muqdisho.
 
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ciyaartoyda Jubaland u rajeeyay in mar kale ay guulo ka gaaran tartankan, isagoo ku booriyay inay la yimaadan ciyaar wanaag sidii lagu yaqaanay.
 
Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Jubaland ay caan ku ahayd ilaa xiligii bari samaadka guulaha tartamada kubada cagta isla markana loo baahan yahay taas in la ilaaliyo sidii ay u noqon lahayd wax sii jira.
 
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dadaalka ay muujiyeen mudadii ay socotay diyaar garoowga xulka isagoo xusay in ay ahayd shaqo muhiim ah tababaradii iyo carbintii xulka uu ku jiray wakhtiyadii lasoo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -