Wadooyinka Muqdisho qaarkood oo saakay xiran iyo Ciidamo badan oo lasoo dhoobay

Waxaa saakay xiran qaar kamid ah Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana qeybo badan oo magaalada kamid ah lasoo dhoobay ciidamada amaanka gaar ahaan booliis iyo milatari.

Dadka shacabka ayaa saakay kusoo toosay wadooyinka magaalada oo xiran qaarkood, waxaana wadooyinkaasi ku sugan ciidamo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa shacabka isticmaalaan u diidaya in ay maraan wadooyinka.

Waxaa la arkayay dad u ka lahayay shaqooyin, caafimaad iyo waxbarasho oo lugtooda maalaya, dadka qaarkood ayaana lugta ku adkeyd kuwaa oo dantu ku qasabtay in ay lugeeyaan maadaama gaadiid aysan wadooyinka qaar loo ogoleyn.

Sida aan wararka ku helnay wadooyinkan ayaa loo xiray cabsi laga qabo in magaalada ka dhacaan banaan baxyo ay abaabulayaan taageerayaasha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradsan siyaasada Madaxweyne Farmaajo.

Ciidamada amaanka ayaana doonaya in ay kahor tagaan banaan baxyo laga cabsi qabo in mar kale magaalada ka dhacaan, waxaana dhawaan banaan baxyo rabshado watay oo ka dhacay magaalada ka dhashay khasaaro kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -