Allbanaadir.com
NEWS

Cutubyo katirsan Ciidamada Gor Gor oo saakay Muqdisho laga sagootiyay (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga qaaday cutubyo katirsan Kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan guutada Gor Gor oo tababar kusoo qaadanaya xeryo ciidan oo kuyaala dalka Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda  Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaana garoonka Aadan Cadde ka Sagootiyay ciidankan katirsan Kumaandooska Gor Gor ee tababar ku soo qaadan doona dalka Turkiga.

Ciidamadan loo qaaday dalka Turkiga ayaa horey waxa ay tababar ugu qaateen xerada Turkisom ee kutaala duleedka magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidankan tababar dheeraad ah kusoo qaadan doonaan xeryo kuyaala dalka Turkiga.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Saraakiil  iyo Saraakiil Xigeenno loo soo tababaray hoggaaminta ciidamada xooga Soomaaliya.

Dowlada Turkiga ayaa tababar siisa ciidanka dowlada Soomaaliya gaar ahaan ciidanka Kumaandooska ee Gor Gor, waxaana ciidamadan ay tababrka siisay dowlada Turkiga kamid yihiin kuwa ugu awooda badan milatariga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Shacab taageero u muujinaya Falastiiin oo dibad baxyo ka bilaabay Yurub

Caydiid Ali

Diblomaasiyiinta Qunsuliyada Jeddah oo Muqdisho looga yeeray & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in ay la jirto Boqortooyada Sacuudiga 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---