(Sawirro) Shacab taageero u muujinaya Falastiiin oo dibad baxyo ka bilaabay Yurub

Magaalooyin ka tirsan Yurub, dadweyne fara badan ayaa socod ku maray wadooyinka iyagoo taageero u muujinaya Falastiiniyiinta.

Magaalada Paris Booliska ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa u adeegsaday dadkii dibed baxayay sababtoo ah dowladda ayaa mamnuucday wax mudaaharaad ah iyadoo ka cabsi qabto in colaado isku bedelaan.

Boqolaal qof oo kale ayaa sidoo kale isugu soo baxay jidadka magaalooyin kale, oo ay ku jiraan Lyon iyo Marseille, kuwaasoo si nabadgelyo ah u dhacay.

Magaalada Madrid, dhowr kun oo qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada halka caasimada Jarmalka ee magaalada Berlin, dibadbaxayaasha ayaa dhalooyin iyo dhagxaan ku tuuray booliska.

Xayiraadihii Coronavirus ayay dadka mudaharaday jabiyeen, taasoo keentay in boolisku kala eryaan.

Kumanaan Dad oo ka qiiraysan xaaladda Falastiin ayaa Sidoo ale isagu soo baxay magaalada London ee dalka UK.

Tiro badan oo dad ah ayaa isagu soo baxay bananka hore ee safaarada Israa’iil ee London. Dadka dibedbaxayay ayaa sitay calanka Falastiin.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo, Saraakiisha Falastiin ay sheegeen in duqeyntaas ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof oo ay kamid yihiin carruur iyo qof dumar ah.

Caalamka ayaa isha ku haya qalalaasaha iyo Duqeymaha maalintii lixaad ka socda cidamada Israel iyo xoogaga Falastiiniyiinta oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -