Diblomaasiyiinta Qunsuliyada Jeddah oo Muqdisho looga yeeray & Sababta ka dambeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u yeertay dhammaan Qunsulka iyo dhammaan shaqaalaha diblomaasiyiinta ah ee ka howlgala Qunsuliyadda guud ee Magaalada Jiddah, dalka Sacuudiga.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Amar ka soo baxay Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad loogu yeeray inay muddo 30 maalmood gudahood ah ku soo galaan magaalada Muqdisho, iska xaadiriyaan Xarunta Wasaarada arimaha Dibadda.

Lama sheegin sababta loogu yeeray diblomaasiyiinta Soomaalida ee Qunsuliyadda Jiddah, laakiin warar hore u soo baxay ayaa sheegayey inuu khilaaf ka dhex taagan tahay diblomaasiyiinta loo yeeray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -