Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Kenya oo ka hadashay Go’aankii xalay kasoo baxay dowlada Soomaaliya

Xukuumada Soomaaliya ayaa xalay ku amartay safiirka u jooga dalka Kenya magaalada Muqdisho in dalkiisa dib ugu laabto, waxa ay sidoo kale Soomaaliya u yeeratay safiirkeeda u joogay dalka Kenya.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau, ayaa sheegay in ay ka xun yihiin go’aanka kasoo baxay Soomaaliya, waxa uuna xusay in labada dhinac arimaha taagan uga wada hadli doonaan qaab diblomaasiyadeed.

Waxa uu sheegay Macharia Kamau, in si rasmi ah uga jawaabi doonaan go’aanka Xukuumada Soomaaliya kasoo baxay, waxa uuna balan qaaday in labada dal arintan wadahadal ka geli doonaan.

Xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid aan u xun, waxaana xiisada hada soo korortay uga sii dareysaa khilaafka u dhaxeeyay labada dal.

Soomaaliya ayaa Kenya u eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada , islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha dariska ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiin Mareykan ah oo Muqdisho kula kulmay Madaxda Maamul goboleedyada Qaar (Sawirro)

Cabdi Cade

Maalinta Afrika oo laga xusay Kampala iyo Safiirka Soomaaliya oo ka qeyb galay (Sawirro)

Cabdi Cade

Aqalka Cad oo si adag uga hadlay Senator Mareykan ah oo ku baaqay in la dilo Madaxweyne Putin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---