Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin Mareykan ah oo Muqdisho kula kulmay Madaxda Maamul goboleedyada Qaar (Sawirro)

Xarunta Safaarada Mareykanka Soomaaliya ee ku leedahay xarunta Xalane ayaa waxaa ka dhacay kulan u dhaxeeyay Taliska Ciidamada Mareykanka  ee AFRICOM iyo Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Kulankan oo si gaar gaar ah u dhacay ayaa looga hadlayay dhinaca amniga gaar ahaan iskaashi xoog leh oo dhex mara Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika iyo saddexdan dowlad goboleed oo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Madaxda Maamul goboleedyada dalka ayaa kala hadlay Masuuliyiinta iyo saraakiisha Mareykanka sidii ay uga taageeri lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo tababarada ciidamada maamuladaasi.

Kulankan ka dhacay xarunta Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya waxaa ka qeyb galay Madaxda Jubbaland, Puntland ,Koonfur Galbeed iyo Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Yamamoto, Taliyaha Howlgalada gaarka ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika Jen. Anderson iyo Taliye kuxigeenka Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Amb. Young.

Related posts

Labo ka mid ah la heystayaashii Israel ee gacanta ugu jiray Xamaas oo la dilay

Caydiid Ali

Puntland: Miisaaniyadii abid ugu badneyd ee sanadka 2023 oo la ansixiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Jubbaland oo shaacisay xiliga ay qaadeyso Imtixaanka shahaadiga ah (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---