Nin lagu helay in uu ku lug lahaa Weerarkii Jaamacada Gaarisa oo Xabsi isku dhax dilay

Warbaahinta dalka Kenya kuwooda ugu afka dheer ayaa ku waramay in nin u dhashay dalka Tanzaaniya oo loo xukumay in uu ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday jaamacada Gaarisa uu isku dhax dal dalay gudaha xabsiga uu ku xirnaa.

Rashid Charles Mberesero, oo u dhashay dalka Tanzaaniya iyo labo nin oo kale ayaa sanadkii hore lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu helay in ay wax ka maleegeen weerarka lagu qaaday jaamacada Gaarisa sanadkii 2015-kii.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku waramay in ninkan maskaxda ka xanuunsaday intii uu xabsiga ku xirnaa marar badana dhaqtar loo geeyay, waxa ayna xuseen in ugu dambeyn ninkan isku deldelay bustihii uu ku seexan jiray.

Ninkan u dhashay dalka Tanzaaniya ee la sheegay in uu isku dhax dal dalay gudaha xabsiga uu ku xirnaa ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, mana jiro wax war ah oo booliiska ku faah faahiyeen qaabka uu isku dal dalay maxbuuskan.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka lagu qaaday jaamacada Gaarisa sanadkii 2015-kii, waxaana weeraka Jaamacada lagu dilay dad gaaraya 148-qof oo u badnaa arday aan Muslimiin aheyn oo jaamacada dhiganayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -