Maalinta Afrika oo laga xusay Kampala iyo Safiirka Soomaaliya oo ka qeyb galay (Sawirro)

Maalinta Africa oo la xuso maanta oo kale sannad walba ayaa lagu qabtay fagaaraha xuriyadda ee Kololo ee caasimadda Kampala ee dalka Uganda.

Madaxdii kasoo qayb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa Raysul wasaaraha dalkan Uganda, safiiro uu ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ), Lataliyaha koowaad ee Safaaradda , Uqeybsanaha waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda oo munaasabaddan maalinta Africa ka qayb galayay ayaa soo bandhigay bandhig qurux badan oo dadkii kasoo qayb galay munaasabadda aad ula dhaceen.

Danjire Cali Maxamed Maxamuud oo isagana goobta joogay ayaa aad u amaanay sida ay isku xilqaameen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda isagoo sheegay in magaca dalkeena Soomaaliya kor u qaadeen ayna usoo jiideen sumcad iyo sharaf.

Maalinta Afrika oo dalal badan jaaliyadahooda kasoo qeyb galeen ayaa iyagana soo bandhigay hidaha iyo dhaqankooda, iyadoo munaasabadda kusoo dhamaatay jawi aad u qurux badan.

- Advertisement -