Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Darawal Bajaajle ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Darawal ka mid ah kuwa mooto bajaajka ku xamaasha ayaa lagu dilay maanta degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in darawalka ay rasaas ku fureen askar ka tirsan ciidamada dowladaoo ka dhacay Qaad uu waday, xili uu marayey agagaarka dugsiga sare ee 21-ka Oktoobar.

Askarta dilka geysatay ayaa la sheegay iney ku baxsadeen mooto labo lugooley ah oo ay wateen, iyagoo horey u qaatay shixnad Qaad ah oo ay lahaayeen dad ganacsato ah.

Ciidamada ammaanka DF ayaa gaaray goobta uu ka dhacay dilkaas, iyagoo qaaday meydka darawalka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tubaakada Taabuuga iyo Khatarta ay ku heyso Jiilkeenna dahabiga ah !!!

Cabdi Cade

Saldhig ciidan oo laga qabsaday ciidamada Somaliland iyo Dagaal culus oo ka socda Laascaanood

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka careesan Xaqiraad uu kala kulmayo Madaxtooyada!!

admin
Taboola Ads ---