Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka careesan Xaqiraad uu kala kulmayo Madaxtooyada!!

Gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay dalka dibadiisa safar ugu maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana gudoomiyaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Xildhibaano isugu jira Muxaafid iyo Mucaarad.

Sida aan Wararka ku heleyno Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa maanta markii uu Muqdisho kusoo laabtay u muuqday mid aad u careesan, waxa uuna durba aaday Aqalka Madaxtooyada ka degan yahay Madaxweyne Farmaajo halkaas uu kulan kula qaatay.

Gudoomiyaha Golaha shacabka ayaa aad uga careesan sida xogta ku helnay xaqiraad uu kala kulmayo Madaxtooyada, waxa uuna Mursal aaminsan yahay in uu yahay ninka ugu sareeya ee wax laga weediinayo siyaasada Koonfur Galbeed.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqday talaabooyin badan oon lagala tashan Gudoomiyaha golaha shacabka gaar ahaan Musharaxa dowlada la dooneyso Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo sidoo kale ciidamadii la geeyay magaalada Baydhabo.

Sida aan xog ku helnay Maxamed Mursal ayaan ku qanacsaneyn in Madaxweynaha Koonfur Galbeed noqdo Cabdicasiis Lafta Gareen oo Villa Soomaaliya wadato, waxa uu sidoo kale ka careesan yahay fara galinta Xukuumada ku heyso doorashada Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha golaha Shacabka oo Wareysi bixiyay ayaa si adag uga hor yimid ciidamadii la geeyay Baydhabo, waxa uu sidoo kale taageeray in Mukhtaar Roobow doorashada ka qeyb galo xili dowlada cadaadis ku heyso Roobow.

Kulan saacado qaatay ayaa la sheegay in Madaxtooyada ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha golaha shacabka, waxaana labada dhinac la sheegay in ay u balameen kulamo kale oo dheeraad ah si isfaham u yimaado.

Xeel dheerayaasha Siyaasada Soomaaliya ayaa aamisan in Gudoomiyaha golaha Shacabka xiligan uusan saameyn badan ku laheyn talada dalka, Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa la sheegay in aysan talo badan ka galin Mursal go’aanada masiiriga ah.

Maxamed Mursal ayaa hada doonaya in uu waji cusub lasoo baxo looga dambeeyo arimo badan ay ku jirto siyaasada Koonfur Galbeed  maadaama uu meesha ka baxay Shariif Xasan oo saameyn badan ku lahaa siyaasada Koonfur Galbeed.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa awood meesha uga saartay Gudoomiyihii hore ee Golaha shacabka Soomaaliya Jawaari oo ka hor yimid in loo yeeriyo rabitaanka gaarka ah ee Madaxtooyada , waxa ayna Villa Somalia dadaal ku bixisay sidii Maxamed Mursal uga dhigi lahaayeen Gudoomiyaha golaha shacabka si rabitaankooda u fududeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -