Xubno cusub oo ku biiray Shirka Musharaxiinta iyo Gudoomiyaha Aqalka sare oo ..

  • Maalintii labaad ayuu galay shirka wada tashiga ee looga hadlayo xaaladda kala guurka ah iyo maareeynta arrimaha doorashooyinka ee ay ka qeyb gelayaan in ka badan toban musharax oo u diyaar ah in ay Madaxweyne Farmaajo ka bedelaan xilka uu soo hayay laga soo billaabo Feberaayo 2017.

Ujeedka wada tashigaan ayaa salka ku haya sidii meesha looga saari lahaa damaca Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo abaabulay guddiyo Dowladda ay u xil saartay ka shaqeynta arrimaha doorashada dalka, kuwaas oo ka kooban nabad sugid, taageereyaasha Madaxweynaha iyo shaqaalaha Dowladda qaarkood oo qorsheynaya mar kale in talada dalka ay ku soo celiyaan Farmaajo iyo saaxiibadiis.

Ka qeyb galka shirkaasi ee maalinka labaad kuma koobna musharaxiinta oo kaliya, Balse waxaa lagu casuumay oo qeyb ugu biiraya bulshada qeybaheeda kala duwan sida; Culumada, Ganacsatada, Ururada Bulshada rayidka ah, iyo Odayaasha dhaqanka.

Dhamaantood miisaanka shirka uu leeyahay ayay sii xoojinayaan waxeyna talooyin wax dhisa ku biirinayaan musharaxiinta uu shirka u socdo, si dalka looga saaro xaaladda kala guurka una qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah oo wadar ogol ah dhinacyaduna u siman yihiin ka qeyb galkeeda.

Dhinaca kale ilo ku dhaw shirka ayaa noo xaqiijiyay in ay suuragal tahay maalinka 3aad ee shirka in ay ka qeyb galaan Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xashi Cabdullaahi iyo siyaasiyiin kale oo xog ogaal u ah xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Gabagebada wada tashigaan oo noqoneysa maalinka 3aad ee kulanka kuna began 23-11-2020 ayaa la filayaa in musharaxiinta iyo dhammaan qeybaha ku biiray shirka ay soo saari doonaan war-murtiyeed qeexaya natiijada biyo kama dhibcaanka ee ka soo baxday kulamadooda.

Cadaadiska siyaasadeed ay saarayaan musharaxiinta Villa Soomaaliya iyo Farmaajo waxaa macquul ah in la kala diro guddiyada ay qorsheeyeen in ay ku afduubaan doorashada dalka.

- Advertisement -