Weriye Hebed Ma Noqon karo. (W/Q Cabdinaasir Iidle)

Weriye hadaad tahay waxaad qaaday xil culus, sababtuna waxa weeye waxaad daweynaha u  haysaa Masuuliyad aaney cid walba qaadi Karin, waxaa lagaa sugayaa waa War ama Akhbaar, si kastaba yacni waa inaad dadkaaga oo isugu jira Dhegeystayaal, Daawadayaal iyo Akhristayaal Akhbaar siiyo maalin walba.

 Warkaaga ama Qoraalkaagu  waa inuu buuxiyaa sharuudaha  lagaa doonayo kuwaas oo hore loogu heshiiyey,  Inta aanad fagaaraha tegin (Tifatirka) waa inaad ugu yaraan laba ama sedax jeer ku celcelisaa qoraalka aad samaysay oo aad dooneysa inaad shacabka u gudbiso, marka koowaad waa iney naftaadu ku qanacdaa, markaa kadib si warkaagu u noqdo biyo kama dhibcaan ama mid qanciya dadka oo dhan, waa inuu maraa Tifaftir. si looga shaandheeyo wax alaale iyo wixii aan macaamiisha u wanaagsanaan doonin, amaba dhinaca kale wixii dhibaato keenaya.

Warkaaga ama Qoraalkaaga waa inuu noqdaa dhexdhexaad oo yacni ay ka wada muuqdaan dhinacyada uu khuseeyo oo dhan inta la awoodo.  haddii aanu marin Tifaftir Qoraalkaagu waxaan hubaa inuu Warkaagu ciladdo yeelayano, yaaneyba badnaan hadey doonaane.

Waxaan amaanayaa in badan oo ka mid ah Weriyaasha Soomaalida oo Akhbaarta,  Qoraalada amaba Afkaartooda ku soo gudbiya Warbaahinta kala duwan oo ay  Soomaalidu isticmaasho sida Raadiyaasha, Telefishinada, Jaraa’idka iyo Baraha Bulshada sida Facebook-yada.kuwaas oo masuuliyadi ka muuqato.

Runtii marmarka qaar markaad Dhegeysato qaar ka mid ah Idaacadaha, daawato Telefishinada, Akhriso Jaraa’idka ama daalacato Facebook-yada. waxaad dareemeysaa iney jirto masuuliyad daro wayn sababtoo ah waxaad arkeysaa iyadoo la iska talax tegayo, oo aan waxba la hambeynayn, oo anshixiiba laga tegey,  taasuna ma banaana oo meel qabtaahi ma jirto, waxay ka hor imaneysaa ballantii aad hore u qaaday oo aheyd inaad dadweynaha u gudbineyso war sugan..

waxaan ku micnayn karaa arinta taagan marka laga reebo qof muraadka leh oo wixiisu ula kac yahay iney jirto aqoon daro baahsan, taasuna kuma koobna Weriyaasha oo kaliya ee waxay saameysay bulshada tusaale dhakhtarku dhakhtarkii ma ahan, Siyaasiguna. Siyaasigii ma ahan, marka wax badan ayaa qaldan ee Weriye ha kadsoomin ee ogow in xil culusi ku saaran yahay oo noqo mid bulshada u dhexeeya. mar walba feejignow, Anteenadadu ha taagnaato, markaad war maqasho ha iska qaadan, waa shaki jiraa, kadibna hubisaa, gebagebadii weligaa Hebed ha noqon si aaney koox Muraad lihi kuugu shuban.

Cabdinaasir Xersi iidle

Mail. Naasirx1@gmail.com

Tel 00252-615503978

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -