Ethiopian Airlines oo war ka soo saartay dayuuraddii laga celiyey Somaliland

Maamulaha shirkadda Ethiopia Airlines Mesfin Tasew oo waraysi siiyey laanta Af-Amxaariga ee idaacadda BBC ayaa xaqiijiyey in dib loo celiyey diyaarad shirkada ka tirsan oo maanta ka soo degi lahayd garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Diyaaraddan oo duulimaad number keedu ahaa ET8372 ayuu Maamulaha sheegay in aanay ogolaansho ka haysan dawladda Soomaaliya taasoo keentay inay dib ugu laabto magaalada caasimadda ah ee Addis ababa.

Maamulka Somaliland ayaan weli war ka soo saarin xaalka diyaaraddan dib loo celiyey.

Waxaa la rumeysan yahay in diyaaradda ay saarnaayeen wafdi hordhac u ah madaxda sare ee Itoobiya oo imaanaya Somaliland.

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa diyaarada ka celisay inay gasho hawada Soomaaliya xilli ay dulmareysay meel ku beegan Jigjiga.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in markii hore ay diyaaradu diiday inay u hoggaansanto amarka dowladda kahor inta aysan ku qasbin hay’adda duulista Soomaaliya inay hawada ka xirto dhammaan diyaaradaha ka imaanaya Itoobiya.

Waxaa sii kordheysa xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii ay Addis la gashay Somaliland heshiis ay ku heleyso dhul xeeb leh oo laga kireeyo halkaas oo laga dhisayo deked toos ugu xiriirsan Itoobiya iyo saldhiga ciidamada badda ee itoobiya ay yeeshaan.

Madaxda Somaliland waxay sheegeen in heshiiskaas ay ku bedelanayaan aqoonsi ay ka heleen Itoobiya oo ay balanqaadeen inay noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madaxbanaan.

Dowlada federalka Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad gudubtay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya ka dib heshiiskaas is afgaradka ah.

Heshiiskaas oo ay Soomaaliya ku tilmaamtay in uu xad gudub ku yahay qaranimadeeda ayaa huriyey xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxaysa labada dal ee dariskaa ka dib markii Soomaaliya si adag ugu jawabtay ficilkaas oo ay fariimo u dirtay Midowga Afrika, iyo ururu goboleedka IGAD.

Dalalka Maraykanka, UK, Midowga Yurub ayaa sheegay inay taageersan yihiin midnimada iyo madaxbananida Qaranimada Soomaaliya.

- Advertisement -