Soomaalida Kenya oo Saddex Xubnood ku yeelatey Baarlamaanka Bariga Afrika (Sawirro)

Wararka naga soo gaaraya Dalka Kenya waxay Sheegayaan in Baarlamaanka Dalkaas uu  qabatey Doorasho lagu Xulayey Xubnaha Baarlamaanka Bariga Afrika kaasoo la fliayo in Maalinta isniinta uu kulankiisa ugu horeeyo ku yeelanayo  Magaalada Caruusha ee Dallka Tansaaniya.

Xubnaha Kenya ku yeelaneyso  Baarlamaanka  Bariga afrika  ayaa gaaraya 9 Xubnood , waxaana Doorashada oo ahayd mid adag ayaa Aakhirkii isugu soo harey ilaa 27 Xubnood kuwaa oo laga doonayey in ay ku soo baxaan ilaa Sagaal Xubnood .

“Waa Wax lagu  Farxo in Sagaalkaas Xubnood Saddex ka mid ah ay noqdaan Soomaal Waqooyi Bari i” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah Xildhibaanada Dalka kenaya oo ka soo jeeda Deegaanka Waqooyi Bari Kenya  oo sheegey in Sadexdaas Xubnood ay na tusayaan  sida Soomaalida Kenya ay galangal Siyaasadeed oo aad u weyn ugu  yeelaneyso  Dalka Kenya.

Sadexda Xubnood ee ka soo jeeda Soomaalida Kenya ee ka md noqdey Baarlamaanka  Bariga Afrika aya waxay kala yihiin Xildhibaankii Hore Kursiga Wajeer Faadumo Ibraahim Cali  , Xildhibaankii hore ee Degmada Balambale Cabduqaadir Aadan Cumar iyo Xildhibaankii hore ee Waqooyiga Mandheera Aadan Maxamed Nuur .

Lixda Xubnood ee Deegaanada kale Kenya ka soo jeeda ee ku soo baxay Doorashadaas Waxay kala yihiin Kennedy Mosyoka oo ah wiil uu dhaley Kolonzo Mosyoko, Aburu Odinga oo ay walaalo yihiin Raila Odinga, Simon Mbugua, Mburi Apuri, Flowrensa Sergon iyo Wanjiku Muhia

Kulankaan ka Furmaya isniinta Magaalada Caruusha ayaa waxaa uu noqonayaa Kulankii Afraad ee ay isugu yimaadaan  Baarlamaanka Bariga Afrika (East Africa legislative Assembly)  (EALA) waxaan ilaa hada la hubnaa in ay Xubno ka yihiin Wadamada Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi iyo Koonfurta Sudan

Maxamed Saalax Cumar Axmed oo igala soo xiriirey Magaalada  Nairobi ayaa ugu Hambalyeeyey Sadexda Xubnood ee Soomaalida Kenya ka mid noqdey Baarlamaanka Bariga afrika mar aan waxay ka weydiiyey in Soomaaliya iyana Xubno ku yeelaneyso Baarlamaanka waxaa uu ii sheegey in Soomaaliya   Codsigooda uu horyaalo Baarlamaanka Bariga Afrika

 W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uK

Tel: 00252615532494

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -