Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daahir Geelle: “Dimoqraadiyada Curdanka ah ee Somalia waxay isu bedeli rabtaa keli-talisnimo”

Daahir Maxamuud Geelle oo ah Musharax u taagan doorashada Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in khatar xoogan ay wajahayso dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya.

Musharaxa ayaa hadalkan ka jeediyey shir maanta musharaxiinta doorashada Madaxweynaha uga furmay magaalada Muqdisho.

“Dimoqraadiyadii Curdanka aheyd ee ka jirtay Somalia waxay isu bedeli rabtaa kelitalisnimo miciyo leh” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Waxaa uu sheegay in shirka maanta furmay uu yahay mid lagu badbaadinayo mustaqbalka Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay Musharaxiinta ay isu yimaadeen, isna cafiyeen ayna meesha ka saareen madmadowgii dhexdooda ahaa, meelna uga soo wada jeesanayaan sidii marxalada haatan uu dalka ku jiro looga gudbi lahaa si nabad ah.

Daahir Geelle ayaa tilmaamay baaqooda uu yahay nabad iyo dowladnimo sal adag, doorashooyin xor ah oo xalaal ah, xukunka hadda jirana aan lagu heysan inay tartamaan balse qalooca ay geliyeen doorashada ay rabaan inay saxaan.

Geelle ayaa sheegay in aanan mar dambe la aqbali doonin Guddi ay ku jiraan Nabad sugida iyo saraakiisha laamaha amaanka oo uu sheegay in shaqadooda ay tahay ilaalinta nabada, siyaasadna aysan shuqul ku laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha amaanka ee QM oo War ka soo saaray xaalada ka taagan Afghanistan

Caydiid Ali

Wufuud ka kala socota dowlada iyo Mucaaradka oo maanta ku wajahan Garoowe

Caydiid Ali

Kenya iyo Jabuuti oo ku loolamaya kursi ka mid ah Golaha Amaanka iyo Kenya oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---