Arday Soomaali ah oo ku go’doonsan gobolka Tigray iyo Walaac laga muujiyey

50 ardey Soomaali ah ayaa la sheegay inay ku go’doonsan yihiin gobolka Tigray ee ay dagaalada ku dhexmarayaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa TPLF.

Ardeydan ayaa qaarkood waxay deeq waxbarasho ku dhiganayeen Jaamacada Mekele ee caasimada gobolka Tigray.

Waalidiinta ardaydaas ayaa sheegay iney aad uga walaacsan yihiin xaalada ay ku sugan yihiin caruurtooda, aysana ogeyn nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin.

“Waxaa noogu war dambeysay 2-dii bishan markii dowlada Itoobiya ay hawada ka saartay isgaarsiintii gobolka Tigray gaar ahaan telefanada iyo internetka, wixii intaas ka dambeeyey warkooda lama maqlin” ayuu yiri mid ka mid ah waalidiinta ardaydaas.

Waalidiinta ayaa Dowlada Somalia ka codsaday iney ka shaqeyso sidii loo soo badbaadin lahaa ardaydaas inkastoo ay socdaan dagaalo culus oo xaalada aad u adkeeyey.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili saacadihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in tiro Ardey ah ay ku dhaawacantay duqeyn laga geystay agagaarka Jaamacadda Mekelle, sida uu ku warramay telefishinka gobolka Tigray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -