Allbanaadir.com
NEWS

Kenya iyo Jabuuti oo ku loolamaya kursi ka mid ah Golaha Amaanka iyo Kenya oo…

Dowladaha Kenya iyo Jabuuti ayaa ku loolamaya kursi ka bannaan xubnaha aan joogtada ahayn golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana dhawaan la filayaa in labada wadan midkood uu kusoo baxo kursigaan.

Kursigan ka banaan golaha Amaanka ayaa waxaa iska leh Waddamada bariga Afrika,  waxaana hada ku loolamaya Kenya iyo Jabuuti,waxaana laga doonayaa in labadan dal isku tanaasulaan ama midkood doorashada ku guuleesto.

Dowladaha Jabuuti iyo Kenya ayaa rabitaanka kursigan u gudbiyay  Qaramada Midoobay iyo Ururka Midawga Afrika, waxaana la filayaa in labadan dal midkood uu kursigaasi ku matalo golaha amaanka.

Labadan wadan ayaa midbo midka kale u gudbiyay codsi ku aadan in uu u tanaasulo , balse labada dal ayaa isku diiday tanaasulka ,waxaana la filayaa in 21-ka bishan Midowga Afrika go’aamio cida ku matalaseysa Bariga Afrika kursigan.

Dowlada Kenya ayaa fursad weyn u aragta in kursigan ku fadhiisato, waxa ayna dooneysaa in kursigan ku difaacato dano waa weyn ay leedahay ay kamid tahay muranka ay galisay badda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tuugo Badan oo hubeesan iyo waxyaabaha Maanka dooriya oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qoor Qoor oo mucaaradka u shegeay war niyad jab ku ah & James Swan oo banaanka keenay….

admin

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay Sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---