Wufuud ka kala socota dowlada iyo Mucaaradka oo maanta ku wajahan Garoowe

Waxaa lagu waddaa in saacaddaha soo socda  ay gaaraan Magaalada Garowe Wufuud ka kala socota dowladda Soomaaliya iyo Xisbiyadda Mucaaraadka ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah dadka maanta tagaya Magaalada Garowe.

Wafdi kale oo uu horkacayo Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa iyana ka soo ambaxaya magaalada Nairobi, iyagoo ku sii jeeda isla magaalada Garoowe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna ku wajahan Garoowe, iyadoo xubno ka tirsan labada gole oo hordhac u ah safarkiisa ay shalay gaareen halkaas waxaana halkaasi ka socoto qabanqaabadda soo dhaweyntooda.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda qaarkood ayaa sidoo kale maanta tagaya Garoowe, waxaana dhamaan wufuudan ay ka qeyb galayaan xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni oo la filayo iney beri ka dhacdo halkaas,amaanka ayaana si weyn loo xoojiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -