Golaha amaanka ee QM oo War ka soo saaray xaalada ka taagan Afghanistan

Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay oo shir deg deg ah ka yeeshay xaalada  Ururka Taliban ugu baaqay inay is xakameyaan si nolosha dad badan u badbaado.

Hadal uu ka jeediyey fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayuu Antonio Guterres sheegay inuu maqlay warar ku aaddan xannibaadyo adag oo lagu soo rogay xuquuqda aadanaha dalka oo dhan”.

“Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha Afghanistan,” ayuu yiri.

“Ma awoodno mana ahan inaan ka tagno dadka reer Afghanistaan” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wuxuu ugu baaqay Golaha inay adeegsadaan dhammaan wax kasta oo ay awoodaan si loo caburiyo halista argagixisada caalamka ee Afghanistaan loona hubiyo in la dhowro xuquuqda aadanaha, wuxuuna sheegay in dhammaan waddamada ay diyaar u yihiin inay qaataan qaxootiga Afghanistan.

Guterres wuxuu intaasi ku daray in Qaramada Midoobay ay weli shaqaale ka joogaan isla markaana xafiisyo ku leedahay meelaha uu hadda ka taliyo ururka Daliban, ayna sii wadi doonaan joogitaankooda iyaga oo haddba ku qiimaynaya xaaladaha soo kordha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -