Madaxweyne Museveni oo Twitterka ka tiray baaq uu kasoo saaray dagaalka ka socda Itoobiya

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa barta uu ku leeyahay Twitterka ka tiray baaq uu kasoo saaray dagaalka xoogan ee u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya xoogaga taabacsan Maamulka Tigrey.

Yoweri Museveni, ayaa Twitterkiisa soo dhigay qoraal uu ku baaqayo in la joojiyo dagaalka ka socda dalka Itoobiya laguna xaliyo khilaafka wadahadal, waxa uuna xusay in dagaalkaasi horseedayo in dad badan dhintaan dhaqaalahana uu curyaamo.

Madaxweynaha dalka Uganda ayaana baaqan soo saaray kadib markii magaalada Kampala uu kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen, oo howlo shaqo dalkaasi u tagay.

Baaqa uu kasoo saaray colaada ka aloosan dalka Itoobiya Madaxweynaha dalka Uganda ayaa markii dambe laga saaray lagana tir tiray barta uu Twitterka ku leeyahay, lamana oga sababta keentay in Madaxweynaha tiro baaqaasi.

Xukuumada Itoobiya ayaana horey uga biyo diiday in wadahadal nabadeed la galaan xoogaga Tigrey, waxa ayna Xukuumada uu hogaamiyo Abiy Axmed ku hanjabtay in howlgalka socon doono ilaa xasiloonida loogu soo celiyo gobolka Tigrey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -