Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Dad fara badan oo ku le’day Magaalada Nawabshah ka dib markii..

Ugu yaraan 40 qof ayaa dhintay, 100 kalena way dhaawacmeen kaddib markii uu shil tareen ka dhacay Koonfurta dalka Pakistan sida saraakiisha dawladda ay sheegeen.

Xaalad degdeg ah ayaa looga dhawaaqay isbitaallada ku dhaw Nawabshah iyo degmooyinka ku dhawdhaw.

Shilka ayaa ka dhacay goob ku dhaw boosteejada laga raaco tareenada Nawabshah oo 275km u jirta magaalada weyn ee Karachi.

Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyay isbitaallada ku dhaw halka mashaqadu ka dhacday.

Shaqaalaha gurmadka ayaa isku dayaya inay dadka ka soo saaraan burburka tareenka.

Kooxaha gurmadka ee ciidamada ayaa iyana laga codsaday gacan si loo kordhiyo hawllaha badbaadada ee halkaasi ka socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Digniin laga soo saaray xaalad Halis ah oo kusoo wajahan magaalada Baledweyne (Akhriso)

Cabdi Cade

Meydadka muhaajiriin doonayay in ay galaan Qaarada Yurub oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---