Iska horimaad Khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Iska horimaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa ka dhacay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Sida wararku sheegayaan iska horimaadkan ayaa bilowday markii ciidamo ka tirsan xasilinta oo howlgalo ka waday waaxda Saddexaad ee degmada Dharkeynley ay fooda is dareen ciidamo milateri ah oo halkaas ka dhowaa.

Tacshiirad culus oo muddo kooban socotay ayaa a soo sheegayaa in halkaas laga maqlay inkastoo xaaladu ay markii dambe caadi ku soo laabatay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dagaalamay ayaa soo dhex galay kuna guuleystay iney joojyaan iska horimaadkan.

Goob-joogayaal ka tirsan degaanka ayaa sheegaya in mudadii uu socday iska horimaadka ay la soo deristay cabsi fara badan, ayna guryahooda hoosta ka xirteen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadkan inkastoo dadka qaar ay sheegeen iney arkeen meydka askari halkaas ku dhintay oo goobta laga qaadayo.

Isku dhacyada ciidamada dowlada gaar ahaan milteriga iyo kuwa xasilinta ayaa maalmahan ku soo badanayey magaalada Muqdisho, waxaana isku dhacyadaas qaarkood ku dhintay dad shaca ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -