Kenya oo shaacisay xilliga dowladda Soomaaliya fasaxeyso dhoofinta Jaadka

Dowladda Kenya ayaa labo sanno kadib rejo weyn ka qabta in la qaado xayiraada dowladii hore ee Madaxweynaha ka ahaa Farmaajo kusoo rogtay, waxaana socda wadahadalo masuuliyiinta labada dal arrintan xal uga gaarayaan.

Wasiirka Beeraha dalka Kenya Peter Munya oo la hadlay warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegay in 5-ta bisha soo socota ee July dib loo fasaxayo suuqooda ugu weyn jaadka loo iibgeeyo ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay wasiirka in la dhameestirayo wadahadalada iyo heshiiska labada dal ka gaarayaan dib u fasaxida jaadka , mana sheegin dowladda Soomaaliya waxa ay ku badelen doonto fasaxida jaadka ee Kenya.

Xanibaada dowladda Soomaaliya kusoo rogtay jaadka Kenya horaantii sannadkii 2020-kii ayaa saameyn badan ku yeeshay ganacsatada Jaadka dalkaasi, waxaana fashilmay dedaalo badan oo Kenya ku dooneysay in dib loo furo suuqooda jaadka ee Soomaaliya.

Isbadalka ka dhacay Soomaaliya ayaa rejo weyn galiyay ganacsatada jaadka ee dalka Kenya , waxaa la filayaa in labada dal heshiis cusub gaaraan mar kalana dib loo fasaxo jaadka laga keeno dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -