Dhaxal Suge Maxamed Bin Salmaan oo Hanjabaad culus Hawada marsiiyay

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa hanjabaad culus hawada u marsiiyay kooxo uu sheegay in ay halis galinayaan amniga iyo xasiloonida Boqortooyada Sacuudiga.

Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in dowladiisa ay dagaal adag la gali doonto  cid kasta oo halis galineysa amaanka iyo xasiloonida Qaranka, waxa uuna cadeeyay in ay ka go’an tahay ka hortagidda argagixisada, islamarkaana aysan ogolaan doonin ficil kasta oo argagixiso.

“Si araxan darro ah ayaa u weerari doonaa, kuwa halista geliya amnigeeda iyo xasiloonideeda, Waxaan sii wadi doonnaa inaan si arxan darro ah u weerarno cid kasta oo ay la tahay inay halis gelin karto amnigeena” ayuu yiri Maxamed Bin Salmaan.

Hanjabaada kasoo yeeray Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa kusoo aadaya xili dhawaan magaalada Jiddaha ka dhacay weerar lagu dhaawacay shaqaale ay ku jiraan kuwa ajaaniib ah oo safaarado u shaqeenayay.

Weerarkan ka dhacay magaalada Jiddah ayaa masuuliyadiisa waxaa sheegatay kooxda Daacish, waxaana weerarkan cabsi badan ku abuuray diblumaasiyiinta ku sugan magaalada Jiddaha iyo magaalooyin kale oo Sacuudiga kuyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -