Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyaha cusub ee degmada Yaaqshiid oo xilka la wareegay (Sawirro)

Guddoomiyaha cusub ee degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegey Guddoomiyihii hore ee Degmada Yaaqshiid Muuse Geesey

Arrintan ayaa timid ka dib wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish oo xilka looga qaaday Gudoomiyihii degmada Yaaqshiid, iyadoo lagu magacaabay gudoomiye cusub.

Munaasabada xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Degmada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaador Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab iyo xubno kale.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee degmada Yaaqshiid Muuse Geesey Jimcaale oo ahaa ninka ugu da’da weyn gudoomiyeyaasha G/Banaadir ayaa sidoo kale ka tirsanaa Xoogaga wadaniyiinta oo taageersan Madaxweyne Farmaajo, toosna ugu xiran Villa Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoonka labada Aqal oo kawada hadlay Dib u eegista lagu sameenayo Dastuurka KMG (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada : Xudur oo looga diyaar garoobay soo dhaweynta Ra’isul Wasaare Kheyre

Cabdi Cade

Milateriga Ruushka oo Magaalo weyn kala wareegay ciidamada Ukraine (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---