Milateriga Ruushka oo Magaalo weyn kala wareegay ciidamada Ukraine (Sawirro)

Milateriga Ruushka ayaa gacanta ku dhigay magaalada Severodonetsk ee bariga Ukraine, sida uu sheegay duqa magaaladaas Oleksandr Stryuk.

“Ruushka waxay si buuxda u qabsadeen Severodonetsk, ciidankeenu waxay dib ugu gurteen goobo diyaarsan,” Oleksandr Stryuk ayaa u sheegay Telefishinka Ukraine.

Severodonetsk, oo mar hoy u ahayd ilaa 100,000 oo qof, ayaa waxaa soo maray dagaallo kharaar oo jidadka lagu dagaallamay, badi dadkii degganaana way ka qaxeen.

Duqeymaha Ruushka oo todobaadyo socday ayaa inta badan magaalada ka dhigay mid burbursan.

Dad badan oo rayid ah ayaa gabaad ka dhiganayay warshada kiimikada ah ee Azot, balse Mr Stryuk wuxuu sheegay in dariiqa kaliya ee looga bixi karo hadda ay tahay in la sii maro dhulka uu Ruushka haysto.

 

- Advertisement -