War cusub oo laga soo saaray koox dad shacab ah ku xasuuqday galbeedka Itoobiya

Maamulka gobolka galbeedka Itoobiya ee Benishangul-Gumuz ayaa sheegay inay laayeen koox hubeysneyd oo lala xiriiriyay weerar lagu qaaday dad rakaab ahaa oo saarnaa bas.

Ugu yaraan 34 qof ayaa Sabtidii lagu dilay weerar lagu qaaday dad rakaab ahaa oo saarnaa bas marayay degmada Dibate, waxaana weerarka fuliyay koox aan la garaneyn.

Booliska gobolka ayaa sheegay in 16-ka qof ee weerarka ka dambeysay ay soo dirsadeen TPLF oo ka taliso gobolka Tigray.

Hase ahaatee sooma bandhigin wax caddeyn ah oo muujinayo in raggaas ay ka tirsanaayeen TPLF.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka TPLF ayaa ku dagaallamaya Tigray todobaadkii labaad waxaana ku dhintay dad fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -