Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare horey looga helay cudurka Coronavirus oo mar kale karantiil galay

Ra’iisul Wasaaraha UK ayaa sheegay inuu karantiilay kadib markii uu la kulmay xubin ka tirsan Baarlamaanka dalkaas oo laga helay xanuunka COVID-19.

Borris Johnson waxa uu sheegay in uusan haatan isku arkin astaamaha muujinaya cudurka balse uu qaatay go’aanka ah in uu iskarantiilo, inta uu xaaladiisa ka hubinayo.

Khamiistii ayaa Ra’iisul Wasaare Johnson kulan qaatay 35 daqiiqo waxaa uu la yeeshay Lee Anderson oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka oo la xaqiijiyay inuu ku dhacay cudurkan.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa u qaaday cudurkan, isagoo galay xaalad adag inkastoo uu markii dambe ka bogsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jaadka oo laga mamnuucay qaar kamid ah Deegaannada ay ka socdaan Dagaalka ka dhanka ah Al Shababa

Cabdi Cade

Sheybaaro lagu baaro cudurka Covid-19 oo la geenayo afar maamul goboleed

Cabdi Cade

Qaybta 1aad :-Maxaad kala socotaa hashii Mucjisada aheyd ee la siiyey Nebi Saalax CS?

admin
Taboola Ads ---