Gudoomiyihii ugu da’da weynaa degmooyinka Muqdisho oo xilka laga qaaday

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa xilka ka qaaday gudoomiyihii degmada Yaaqshiid Muuse Geesey Jimcaale.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Maamulka gobolka Banaadir ayaa Allbanaadir Online u xaqiijiyey in wareegto aan weli saxaafada loo soo bandhigin oo ka soo baxday Gudoomiye Cumar Filish xilka looga xayuubiyey Muuse Geesey Jimcaale, lamana oga sababta.

Sidoo kale, warka ayaa intaas ku daraya in Cumar Filish uu degmada Yaaqshiid u magacaabay Guddoomiye cusub oo magaciisa aanan helin, kaasoo wararka qaarkood sheegayaan inuu ka tirsan ciidanka Nabad sugida Qaranka NISA.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee degmada Yaaqshiid Muuse Geesey Jimcaale oo ahaa ninka ugu da’da weyn gudoomiyeyaasha G/Banaadir ayaa sidoo kale ka tirsanaa Xoogaga wadaniyiinta oo taageersan Madaxweyne Farmaajo, toosna ugu xiran Villa Somalia.

Muuse Geesey Jimcaale
Muuse Geesey Jimcaale

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -