Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo saxiixay sharciga burinta Is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ee ay ansixiyeen…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in xoojiyaan midnimadooda marxaladdan taariikhiga ah, ayna kala saaraan arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka ubadkeenna iyo jiritaankeenna.

Related posts

Raisul Wasaare Xamse oo qaabilay wafdi uu horkacayo Vladimir Orlié(Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo Gadoodsan oo saakay la wareegay Bangi kuyaala magaalada Boosaaso

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Qayb-galay Tukashada Salaadda Roob-doonta (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---