Xarakada Al-Shabaab oo ka jawaabtay hadal ka soo yeeray dowlada Itoobiya

Al-Shabaab ayaa beenisay hadal kasoo yeeray dawladda Itoobiya oo ahaa in ciidamadeedu qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo weeraro ka fulin rabay gudaha dalkaas.

War ay soo saartay Al-Shabaab ayay hadalkaas ku tilmaantay mid la been abuuray oo aan waxba ka jirin,

Waxa ay sidoo kale raacisay Al-Shabaab in arrintan ay tahay mid Abiy Axmed raisal Wasaaraha dalka Itoobiya uu indhaha caalamku kaga jeedinayo dhibaatooyinka ka socda dalkiisa.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intaa ku dartay in aysan wax lug ah ku lahayn colaadda ka taagan gudaha dalka Itoobiya, gaar ahaan dagaalka ka holcaya woqooyiga Itoobiya ee u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Tigray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -