Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Raisul Wasaare Nikol Pashinyan oo ka badbaaday isku day dil iyo afgembi

Saraakiisha Sirdoonka dalka Armenia ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshe la doonayey in lagu dilo Raisal Wasaaraha dalkaasi Nikol Pashinyan.

Kooxdii abaabuleysay qorshana ayaa xabsiga loo taxaabay sida lagu sheegay war kasoo baxay hay’ada Sirdoonka Armenia ee loo yaqaan NSS.

Taliyihii hore ee Sirdoonka Artur Vanetsyan oo ay wehliyaan Hogaamiyihii hore ee xisbiga Jamhuuriga dalkaasi oo lagu magacaabo Vahram Baghdasaryan iyo xubno horey uga tirsanaa militariga dalkaasi ayaa la sheegay iney ka mid ahaayeen ragga abaabulka waday.

Sidoo kale, Kooxdan ayaa qorsheynayey inay awood ciidan kula wareegaan xukuumada kadib marka ay dilaan Raisal Wasaaraha.

Shacabka Armenia ayaa si weyn uga carooday heshiiskii xabad joojinta ahaa ee uu todobaadkii hore saxiixay Raisal wasaaraha.

Dowlada Ruushka oo heshiiskaasi soo diyaarisay ayaa waxaa ka mid ahaa in dowlada Azerbaijan lagu wareejiyo dhul badan oo ay horey gacanta ugu hayeen ciidamda Armenia, laba soo afjaro dagaalka ka socday gobolka lagu muransanaa ee Nagorno Karabakh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo is-xigay oo dhimasho & dhaawac badan ka geystay degmada Balcad

Caydiid Ali

Uganda iyo shirkad Turki oo kala saxiixday heshiis khad tareen lagu dhisayo

Cabdi Cade

Xamse oo danijre Ahmed Bin Mohamed kala hadlay xiisada Somalia & Itoobiya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---