Madaxdii Kismaayo gaartay oo wada kulamo u muuqda dhoolatus Siyaasadeed (Sawirro)

Waxaa magaalada Kismaayo ka socda galabta illaa caawa kulamo u muuqda dhoolatus siyaasadeed oo ay sameynayaan madaxii maanta gaartay halkaas si ay uga qeyb galaan caleemo saarka Aaxmed Madoobe.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa noqday masuulka kaliya ee gaaray Kismaayo isagoo xil haya, waxaa kale oo ka mid ah Madaxweynayaashii hore Xasan Shikh iyo Shariif Shiikh Axmed, Siyaasiyiin iyo xildhibaano mucaarad ah.

Masuuliyintan qaarkood oo sanado ka hor iska soo horjeeday siyaasad ahaan ayaa arrinta kaliya ee ay ka mideysan yihiin waxay tahay mucaaradnimada dowlada ay hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo raisul Wasaare Khayre.

Waxay baraha bulshada soo dhoobeen markii ay Kismaayo tageen ka dib sawiro iyagoo koox ah oo wada qoslaya, isla markaana gacmaha is heysta taasoo dad badan u fasirteen fariin lagu xumeynayo dowlada federaalka maadaama uu fashilmay isku daygeeda ahaa iney carqaladeyso caleemo saarka Axmed Madoobe.

“Madaxda Kismaayo tagtay badankood uma tegin halkaas jaceyl iyo maxabo ay u qabaan Axmed Madoobe ee waxay u tageen iney ku xumeeyaan dowlada federaalka maadaama ay horey u sheegtay ineysan aqoonsaneyn doorashadiisa” sidaas waxaa yiri aqoonyahan Prof. Xasan Warsame oo nasiib daro ku tilmaamay ficilada ay ku dhaqmayaan madaxdii hore ee qaranka iyo siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood.

Saddex Madaxweyne goboleed oo gacan saar la leh dowlada federaalka ayaan tegin Kismaayo, iyadoo Madaxweynaha Puntland uu keli ku noqday ka qeyb galka caleemo saarka Axmed Madoobe.

Dad badan ayaa u arka madaxda Kismaayo tagtay halyeeyo mudan in loo hambalyeeyo maadaama ay dowlada federaalka ku qasbeen iney ka laabato xanibaadii ay saartay Kismaayo, halka kuwo kalena ay u arkaan siyaasiyiin maradu ka dhacday oo dowladooda karaamo tiray, una ololeynaya keligii taliye daba dhilif u ah  Kenya oo hadda loo arko cadowga ugu weyn Somalia.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -