Jaamacadda Benaadir oo daahfurtay Barnaamij cusub oo Waxbarasho (Sawirro)

Jaamacadda Benaadir ayaa daahfurtay barnaamij cusub oo Waxbarasho (Internship) kaasoo ay iska kaashanayaan Jaamacado ku yaalla dalalka Kenya iyo Ugandha, iyadoo munaasabad arrintaas la xiriirta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Barnaamijkan Waxbarasho waxaa ka faa’iideysan kara ardayda dhigata iyo kuwa dhameysatay Waxbarashada heerka koowaad (Bachelor) iyo heerka labaad (Master), wuxuuna u gaar yahay Saddexda Kuliyadood oo kala ah: dhaqtarnimada iyo qaliinka (Medicine), Culuunta Caafimaadka (Health Science) iyo daweynta Ilkaha (Dentistry) sida uu sheegay Raage Max’ed Shahiid oo ah hormuudka arrimaha ardayda ee Jaamacada Benaadir.

“Koorsadan waxay socon doontaa 6-12 bilood, waxaa iska kaashanaya Jaamacada Benaadir iyo Saddexda Jaamacadood ee kala ah Nairobi University, Makerere University iyo Mbarara University of Science & Technology oo ku kala yaalla dalalka Kenya iyo Ugandha, kuwaasoo ka mid ah Jaamacadaha Afrika ugu horumarsan, ardayda soo dalbata waxay fursad u heli doonaan iney tababar Waxbarasho ku sameeyaan Isbitaalada waaweyn iyo xarumaha Caafimaadka ee Nairobi iyo Kambala, halkaasoo ay ku soo qaadan doonaan aqoon casri ah iyo khibrad sare” ayuu yiri Raage oo dhinaca faahfaahin ka bixiyey shuruudahalaga rabo ardayga soo dalbada iyo waxyaabaha looga baahan yahay.

Intii ay socotay munaasabadan waxaa khadka online kaga soo qeyb galay khubaro ka tirsan Jaamacadaha fulinaya barnaamijkan, kuwaasoo faahfaahin ka bixiyey faa’iidooyinka ay heli ka doonaan ardayda iyo sida ay waxbarashadu u socon doonto, iyagoo ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen ardaydii goob jooga aheyd kuwaasoo la xiriiray barnaamijkan waxbarasho.

Waxaa sidoo kale, Munaasabadan ka hadlay dhaqaatiir ka baxday Jaamacadda Benaadir oo taqasus la mid ah barnaamijkan horey ugu soo sameeyey sadexdan Jaamacadood, kuwaasoo ka waramay aqoonta ay soo kororsadeen iyo faa’iidooyinka faraha badan ee ay ka dhaxleen.

“Marka aad aragto aqoonta iyo khibrada meeshaas taalla, waxaad is leedahay waxba ma aadan baran” ayuu yiri Dr. Cawaale C/llaahi    oo sidoo kale talooyin siiyey ardayda qorsheyneysa iney fursadan ka faa’iideystaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Dr. Maxamed Max’uud Xassan (Biday) oo gebagebadii munaasabadaas ka hadlay ayaa ka waramay baahida barnaamijkan loo qabay iyo muhimada uu leeyahay, wuxuuna ugu baaqay ardayda Jaamacada iney ka faa’iideystaan.

“Jaamacaddu oo ka duuleysa hadafkeeda in sare loo qaado aqoonta ardayda ayaa waxay xiriiro kala duwan iyo dedaal ku bixisay taaba gelinta barnaamijkan ay la kaashaneyso saddex ka mid ah Jaamacadaha Afrika ugu horeeya, iyadoo ujeedadu tahay in ardayda barata Caafimaadka ay ka helaan aqoon tayo sare leh, ILAAHAY-na waa nagu guuleeyey, anigoo rajeynaya in si wanaagsan looga faaiideysan doono” ayuu yiri Gudoomiyaha oo waalidiinta ugu baaqay iney ardaydooda ka taageeraan barnaamijkan oo uu xusay inuu xambaarsan yahay faa’iidooyin ballaaran.

Munaasabadan oo ku soo gebagebowday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay xubno ka tirsan  Mu’asasada Benaadir oo uu ka mid ahaa Dr. Max’ed Max’uud Cali (Fuje), Dhaqaatiir, aqoonyaho iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -