Madaxweyne Waare oo Mar kale isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada (Akhriso)

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii labaad isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa Wasiirada isbuucyo gudahooda, waxa uuna xilka ka qaaday Wasiiro katirsanaa maaulkiisa halka kuwa cusubna uu magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Hirshabelle ayaa lagu magacaabay 5 Wasiir, 4 wasiiru dowle iyo 6 Wasiir kuxigeen, wasiiradan ayaana dhamaan ah Xildhibanao katirsan Baarlamaanka Hirshabelle,

Magacaabista Wasiiradan ayaa ka dhalatay cadaadis uu Madaxweynaha kala kulmay Xuldhibaanada Hirshabelle oo maalmahan ku eedeenayay shaqo xumo iyo sidoo kale in la lunsaday dhaqaale badan.

Golaha Wasiirada maamulka Hirshabelle ayaa hada inta badan ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi oo markii horaba aan aqoon lagu soo xulin, waxaana magacaabisa Wasiiradan kaliya danta laga leeyaay tahay in looga ba baado mooshin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -