Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Somalia oo ka hadlay dilka nin ganacsade ah & geerida Xildhibaan hore

Booliska gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dilal iyo falal kale oo saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho

Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in la bar garanayo raggii ka dambeeyey dilka ganacsade Abuukar Axmed oo rag hubeysan ay ku afduubteen gaarigiisa habeen hore xili uu ku sugnaa degmada Heliwaa, iyadoo markii dambe laga helay meydkiisa degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

“Waxaa la garanayaa raggii dilay Abuukar, baaritaano ay sameeyeen laamaha amniga ayaa lagu ogaaday, waxaana ku raadjooga hey’adaha amniga, markii soo qabashadooda lagu guuleystana waxaa la hor keeni doonaa cadaaladda,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka warbixiyey kiiska Xildhibaan hore Axmed Aadan oo ka soo jeeday Somaliland, kaasoo isna meydkiisa laga helay hotel ku yaalla degmada Xamarweyne, isagoo xusay in haweeney loo soo xiray arintaas lana baarayo sida uu u geeriyooday.

“Xildhibaan hore uu ku dhex suuxay hotel uu ka deganaa Xamarweyne, ayaa nalagu soo wargeliyey waxaa ku baxay ciidamada amniga oo u tegay isagoo suuxay, waxaa la geeyey isbitaalka Martiini,  halkaas ayuuna ku geeriyooday, waxaa la hayaa eedeysane ay baaritaano ku socdaan si loo ogaado waxa sababay geeridiisa,” ayuu yiri Doodishe.

HOOS KA DAAWO HADALKA AFHAYEENKA

Related posts

Xassan Shiikh oo ka baaqday safar uu ku tegi lahaa degmada Ceeldheer (Sababta)

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho oo saakay xiran

Cabdi Cade

Xabsiga Dhexe ee Xamar wuxuu tusaale u yahay tayo xumadda hayadaha DF

Caydiid Ali