Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya

Warka ayaa intaas ku daraya qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee shirkadda dhismaha Bulsho oo u dhow xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa ka dib laga kala cararay goobtaas balse aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay

Laamaha amniga Boosaaso saraakiil ka tirsan ayaa iyana warbaahinta u sheegay in qaraxaas loo adeegsaday bam gacmeed lagu tuuray shirkadda dhismaha Bulsho oo ah shirkad madax banaan oo wada shaqeyn la leh maamulka Magaaladaas.

 

Related posts

(Sawirro) Oday 70 jir ku dhow oo toogasho dad lagu laayey ka geystay California

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Suuqa Ganacsiga ee BBS Mall (Sawirro)

Cabdi Cade

Midowga Yurub oo ku qanacsan dadaalada dib u habeynta shaqaalaha Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---