Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo lagu taageeray Dacwada uu ka gudbiyay Natriijada Doorashada

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dacwad ku aadan in wax isdaba marin lagu sameeyay doorashadii dhawaan dhacday u gudbiyay Maxkamada sare, waxa uuna wali diidan yahay guusha uu doorashada ka gaaray Joe Biden.

Xisbiga Jamhuuriga uu katirsan yahay Trump xubnaha ugu sareeya ayaa taageero u muujiyay dacwada uu u gudbiyay Maxkamada, waxa ayna xubnahan shaki galiyeen in doorashada si cadaalad ah u dhacday.

Guddoomiyaha Aqlabiyadda ee Goolaha Senetka Mitch McConnell iyo Guddoomiyaha Xildhibaanada laga tirada-badanyahay ee Aqalka Wakiillada Kevin McCarthy, ayaa sheegay in Trump uu ku saxsanyahay inuusan aqbalin natiijada doorashada illaa si rasmi ah looga caddeynayo in aysan dhicin wax-isdabamarin ah.

Madaxweynaha Mareykanka iyo Xisbiga Jamhuuriga ayaa wali diidan guusha doorashada ka gaaray Musharaxa Xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden, waxa ayna sheegeen Jamhuuriga tirinta codadka qaar ka mid ah gobollada Mareykanka is daba marin lagu sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diidmada Gudoomiye Mursal ee doorashada iyo Wararkii ugu danbeyay ee digniinta Booliiska Soomaaliyeed !!

admin

Maraykanka oo Baaq Muhiim ah u diray Farmaajo & Xildhibaanada golaha shacabka

Caydiid Ali

DF oo diyaarisay Qorshe lagu soo afjarayo Ahlu Sunna laguna soo qabanayo Hogaankooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---