Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Dad Caruur u badan oo ku dhamaaday qarax ka dhacay Masaajid (Sawirro)

Ku dhowaad 10 ruux ayaa ku dhimatay Masaajid ku yaalla magaalada Peshawar oo dhaca ee dalka Pakistan, ka dib markii boorso laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay ku qaraxday gudaha masjidkaasi.

Masjidka Speen Jamaat oo sidoo kale ahaa dugsi lagu barto Qur’aanka kariimka ayaa waxaa qaraxa ka dhacay ku dhaawacmay 109-ruux oo kale, kuwaasoo qaarkood xaaladoodu aad u liidato sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska.

Taliyaha booliska Peshawar Muhammad Ali Khan ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi uu dhacay xilli caruur badan oo baranaayey qur’aanka ay ku jireen gudaha masjidkaasi.

Baaritaanno hordhac ah ay sheegayaan in 5-6 kiilo oo walxaha qarxa ah oo laga soo buuxiyay boors ay sababeen dhimashada iyo dhaawacyada soo gaaray dadkaasi oo u badan caruur yaryar iyo kuwo qaangaar ah.

Ma jirto illaa cid sheegatay qaraxaas, mana cadda ujeedada laga lahaa hase ahaatee waxaa loo badinayaa iney ku lug lahaayeen koox diimeedyada iska soo horjeeda ee ka jira dalka Pakistan oo u qeybsan shiico, suni iyo kuwo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cumar Finish oo Xil ka qaadis ku sameenaya Goddoomiyaal Degmo iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo arrimo muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade

Filippo Grandi & wafdi uu horkacayo oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---