Agaasimihii Shabakada Allbanaadir oo shaqada ka tagay una jiheystay dhinaca Siyaasadda.!!

Agaasimihii Shabakada Wararka Allbanaadir Online C/raxmaan Macalin Xuseen ayaa shaaciyey inuu ka tagay shaqada dhinaca Warbaahinta, wixii hadda ka dambeeyana uu u jiheystay dhinaca Siyaasadda.
 
C/raxmaan Macalin Xuseen oo muddo ka badan 15 sano ah ku soo jiray Mihnada Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan ka mid noqoshada Xildhibaanada cusub ee golaha shacabka Baarlamanka Somalia ee la filayo in dhowaan doorashooyinkooda ay ka bilowdaan Somalia ka dib markii ay dhamaatay afartii sano ee la soo doortay goleyaasha dowladda hadda oo xiligoodu heer gebogebo ah marayo.
 
Sanadkii 2006 ayuu C/raxmaan Macalin Xuseen ku soo biiray bahda Warbaahinta Soomaalida, isagoo xiligaas tifaftire guud ka noqday Website-ka Dayniile oo uu ka howlgalayey muddo shan sano ka badan, waxaana sanadkii 2011 uu aasaasay Shabakada wararka Allbanaadir Online oo hadda ka mid ah saddexda Shabakadood ee ugu afka dheer Websiteyada Soomaalida, taasoo muddo ku dhow 10 sano uu agaasime ka ahaa.
Agaasimihii Shabakada Wararka Allbanaadir Online C/raxmaan Macalin Xuseen
 
C/raxmaan Macalin Xuseen ayaa sheegay in markii uu arkay dhibaatooyinka ka jira dalka iyo baahida loo qabo sidii dhalinyarada doorkooda uga qaadan lahaayeen wax ka qabashadooda uu go’aansaday inuu u leexdo dhinaca Siyaasadda.
 
Waxaa uu sheegay in haddii uu ku Guuleysto ka mid noqoshada xildhibaanada Baarlamanka soo socda ee dalka uu wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka heysta dhalinyarada uu ku metelo kursiga gaar ahaan dhinacyada Waxbarashada iyo shaqo la’aanta.
 
Sidoo kale, waxaa uu sheegay inuu si guud ugu dedaali doono iney metelaad sax ah helaan qeybaha bulshada iyo degaanka uu ku metelo kursiga Xildhibaanimo, ayna u heli lahaayeen xuquuqda ay ku leeyihiin dowlada gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada, dhismaha jidadka iyo mashaariicda kale ee lagu horumarinayo adeegyada aasaasaiga ah ee bulshada.
 
C/raxmaan waa aqoonyahan Sanadkii 2005 ka qelin jebiyey Kuliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda caalamiga ah ee Afrika (International University of Africa) oo ku taalla Magaalada Khartuum ee dalka Sudan, isagoo sanadkii 2008 shahaadada Waxbarashada heerka labaad ka qaatay Machadka Qorshaynta Qaranka & maareynta Mashaariicda ee Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -