Itoobiya oo War kasoo saartay afgambiga ka dhacay dalka Sudan

Dowlada Itoobiya oo daris la ah dalka Sudan uu shalay ka dhacay afgambi aan dhiig ku daadan oo xilka looga tuuray Madaxweynihii dalkaasi Cumar Xasan Al Bashiir ayaa ku baaqday in xal nabadeed laga gaaro xaalada dalkaasi ka taagan.

War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in Xukuumada Adis Ababa ku baaqeyso in xal nabadeed oon dhibaato horseedin lagu dhameeyo xaalada ka dhashay isbadalka dalkaasi ka dhacay.

Dowlada Itoonbiya ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay rabitaanka shacabka Sudan ayna ixtiraameyso, waxa ayna Wasaarada Arimaha dibadda Itoobiya sheegtay in dowlada Itoobiya ixtiraameyso madax banaanida siyaasadeed ee Sudan.

”Itoobiya waxay ku kalsoon tahay in dadka Suudaan ay ka tallaabi doonaan wakhtigan adag , Itoobiya waxay si buuxda u xushmaynaysaa xornimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka Suudaan, waxayna si niyadsami ah u rajaynaysaa in dhammaan dhinacyadu ay xal nabadeed u heli doonaan mashaakilka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Dowlada Itoobiya.

Wadamada caalamka badankood ayaa wali cadeyn mowqifkooda ku aadan afgambiga ka dhacay dalka Sudan, waxaana jira wadamo badan ku qanacsan isbadalka halka kuwa kalana ay walaac ka muujiyeen.

- Advertisement -