Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni iyo wafdi uu horkacayo oo safar dibeda ah u ambabaxay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntand Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda, Saraakiil Madaxtooyo iyo masuuliyiin kale.

Madaxtooyada Puntland faahfaahin kama bixin socdaalka madaxweyne Deni ku tagay Itoobiya iyo ujeedka safarkiisa, hase ahaatee Puntland iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir iyo iskaashi la xiriira dhinacyada amniga, ganacsiga iwm.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay Maamulka G/Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Xamse oo ka hadlay arrin Muhiim u ah DF & Ganacsatada

Caydiid Ali

Afar Xisbi siyaasadeed oo War wadajir ah kasoo saaray xaalada amaan ee Muqdisho (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---