Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirkii ugu horeeyey ee ka tirsan Xukuumada RW Rooble oo xilka la wareegay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta Wasaaradda Warfaafinta ayaa bogaadiyay shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirrkii hore ee maanta xilka wareejiyey, waxa uuna kula dardaarmay Wasiirka cusub ee Wasaarada in ay sii wadaan qorshaha dib-u-habeynta Warbaahinta Qaranka iyo xoojinta isku xirka Warbaahinta iyo Dowladda.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka warbixiyay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayay iyo kuwa horyaalla Wasiirka cusub. Waxa uuna ku booriyay sii amba-qaadidda howlaha culus ee harsan.

Wasiirka cusub ee Warfaafinta Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in uu sii anbaqaado qorsheyaasha lagu horumarinayo warbaahinta dalka, iyadoo xoogga la saarayo doorka wacyigelineed ee warbaahinta dowladdu ay ku leedahay midnimiada, la dagaalanka fikirka xagjirnimada iyo kobcinta tayada saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Munaasabadda xilwareejinta kaddib, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka, si uu u dul istaago hannaanka shaqo iyo xalaadda howlwadennada Wasaaradda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoor Qoor oo Wali diidan Mudo kororsiga Dowlada iyo Cali Guudlaawe oo taageeray !!

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Munaasabad Qurux badan oo loo qabtay in ka badan 500-Arday oo ka qalin jabisay Jaamacada SIU

admin

Gaza oo xalay mar kale marti gelisay duqeymo kale oo lagu hoobtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---