Waare oo Magacaabay xubnaha Hirshabelle ku metelaya guddiga doorashada (Magacyada)

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay xubnaha maamulkiisa ku meteya guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo xalinta khilaafaadka.

Xubnahan ayaa lagu magacaabay wareegto ka sopo baxday  xafiiska madaxweyne Waare, waxaana guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ku meteli doona Maxamed Maxamuud Cadow iyo Cabdinaasir Maxamed Guuleed.

Sidoo kale xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Waxaa Hirshabelle ku meteli doona Liibaan Cusmaan Nuur iyo Farxiyo Xassan Cismaan, sida ku cad wareegtadan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Hirshabelle ayaa noqoneysa dowlad goboleedkii ugu dambeeyey ee soo gudbiya xubnaha ku metelaya guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo xalinta khilaafaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -