Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW khayre oo dhalinyarada Gaalkacyo u sameeyey balan-qaad ka farxiyey (Sawirro)

a’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane  Xasan Cali Khayre oo galabta dhallinyarada kula jimicsaday waqtina kula qaatay garoonka kubbaadda Cagta Cabdullaahi Ciise, ayaa  ka xog-wareystay caqabadaha haysta iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan dhalliyarada ku nool magaalada iyo deegaanka ku xeeran.

Dhallinyada ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay inay u baahanyihiin in horumarin lagu sameeyo garoonka si dhallinyarada leh hibada iyo hammiga sare ee ciyaaraha ay u helaan fursad wanaagan, korna loogu qaado isdhexgalka bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay dhallinyaro uu kula kulmay Gaalkacyo u ballan qaaday qorshaha dowladda eeka qeyb qaadashada dhismaha garoonka ayaa mar kale ku celiyay in dowladdu ay si buuxda uga qayb qaadaneyso dhismaha garoonka kubadda ee loogu magac daray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Ciise oo kamid ahaa dhallinyaradii SYL ee dhaliyay xornimada dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay $150,000 uga qayb qaadaneyso dhismaha garoonka kubadda cagta Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo.

Halbeegyada ugu waawayn ee tubta Horumarinta arrimaha bulshada ayaa waxaa  qayb ka ah wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo tirada ugu badan ka ah bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dib u dhac mar kale ku yimid howlihii bixinta Baasaboorka Soomaaliga

Caydiid Ali

RW Rooble iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku kulmay Mombasa (Sawirro)

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin oo kusii jeeda Gedo si uu u dhameestiro Heshiiska Cabdirashiid Janan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---