Al Shabaab oo gacanta ku dhigtay Diyaarad kusoo dhacday Deegaan ay maamulaan

Dagaalyahano katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa gacanta ku dhigay bur burka qaar kamid ah Diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo kusoo dhacday Deegaanka Beerxaani ee duleedka magaalada Kismaayo.

Saraakiil katirsan Al Shabaab oo la hadlay Warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in Diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo falal basaas ah waday ay kusoo dhacday Duleedka magaalada Kismaayo.

Diyaarada soo dhacday qalabkii ku xirnaa waxaa la sheegay in ay horey u qaateen dagaalyahanada Al Shabaab ee gacanta ku dhigay, waxaana diyaaradaasi nuuca wax basaasa aheyd ku xirnaa kaamirooyin iyo qalab kale.

Al Shabaab ayaa horey u sheegtay isbuucii hore diyaaradan oo kale in ay kusoo dhacday duleedka Kismaayo gacanta ku dhigeen ,diyaaradahan wax basaasa ee aan duuliyaha laheyn ayaa laa aminsan yahay in Dowlada Mareykanka leedahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -