Axmed Karaash oo ka hor yimid Guddi uu magacaabay Madaxweyne Deni iyo Khilaaf soo shaac baxay (Akhriso)

Waxaa soo banaan baxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Csmaan (Karaash) , labada masuul ayaana isku khilaafay magacaabista guddiga doorashada ee kumeel-gaarka ah.

Madaxweyne Deni ayaa shalay magacaabay 5-xubnood oo kamid noqonaya guddiga doorashooyinka Puntland, waxaana magacaabistan ka hor yimid Madaxweyne kuxigeenka oo sheegay in aan la tashi lagala sameyn .

Axmed Karaash ayaa sheegay in magacaabista guddigan ay ka imaaneyso lifaaqa kowaad ee Dastuurka oo tilmaamaya tirada xubnaha iyo sida loo soo kala magacaabayo taasooo caddeyneysa inaanu xaq u lahayn Madaxweynaha keligiis magacaabista 9 xubnood.

Qoraalka kasoo baxay Axmed Karaash ayaa ku cuskadey qodobo kamid ah dastuurka Puntland kuwaaas oo kala ah qodobada 80, 5, 81, 2, iyo lifaaqa dastuurka, waxa uuna magacaabista guddiga ee Madaxweynaha ku  tilmaamey sharci daro.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Axmed Karaash.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -